Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda garoonkeeda ku ciyaareysay ee Valencia.
Daqiiqadii 23-aa Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Karim Benzema, waxaana goolkan caawiyay Marcelo.
Laakiin daqiiqadii 30-aad kooxda Valencia ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Carlos Soler, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.
Daqiiqadii 45-aad kooxda Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay Raphael Varane, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 2-1.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 54-aad kooxda Valencia ayaa markale loo dhigay rigoore labaad waxaana gool ka dhigay Carlos Soler, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa.
63 daqiiqo kooxda Valencia ayaa loo dhigay rigooradii saddexaad ee ciyaartan waxaana gool u badelay Carlos Soler, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 4-1.
Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo idlaatay 4-1 ay kaga adkaatay Valencia, kooxda Real Madrid oo marti ugu aheyd Estadio Mestalla, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.
SAWIRRO: