Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ururka dhalinyarada Cagaarsan oo inta badan ka shaqeeya arimaha Horumarinta Deegaanka iyo Caawinta Dadka tabaaleysan ayaa waxaa ay Maanta dhir ku beereen xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ee Degmada Kismaayo.
Nuur Maxamed Nuur waa la taliye ku xeel dheer arimaha Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada waxaana uu fah-faahin ka bixinayaa faa’iidada ay dhirtu u ledahay Deegaanka.
Maxamed Shariif Cabdullaahi Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Cagarsan ayaa dhankiisa kawarbixiyay dhirta ay Maanta ku beereen xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixintan ku eegaya