Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay si qarsoodi ah uga faa’iideysan karto xiriirka ka dhaxeeya ciyaartooydeeda qaar iyo xiddiga khadka dhexe ee Brighton, Carlos Baleba.
Kooxda Red Devils ayaa durba xagaagan lasoo saxiixatay Diego Leon, Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo, inkastoo ay xilli ciyaareedkii hore ku dhameysteen kaalinta 15-aad isla markaana lumiyeen finalkii Europa League oo ay Spurs garaacday.
Hadda United waxa ay wadahadallo kula jirtaa RB Leipzig si ay u hesho weeraryahanka Benjamin Sesko, iyadoo la sheegay in ciyaaryahanka uu durba ogolaaday shuruudaha shaqsiga ah isla markaana uu doonayo inuu ku biiro Old Trafford.
Sida uu sheegay David Ornstein oo ka tirsan The Athletic, United ayaa sidoo kale la xiriirtay Brighton si ay u ogaato suurtogalnimada helitaanka Carlos Baleba oo 21 jir ah, inkastoo kooxda Seagulls aysan dooneynin inay iibiyaan xiddigaas oo ay kala soo wareegeen Lille sanadkii 2023, kuna bixiyeen £26 milyan.
Baleba wuxuu hore uga soo garab ciyaaray daafaca haatan u ciyaara United, Leny Yoro, waxayna yihiin asxaab dhow. Taas ayaana loo arkaa inay noqon karto furaha United u sahlaya helitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe.
Sidoo kale, Baleba wuxuu xulka Cameroon kala tirsan yahay xiddigaha United ee Andre Onana iyo Bryan Mbeumo, taasoo fursad kale siin karta kooxda Red Devils.
Taageerayaal badan ayaa baraha bulshada ku dalbaday in Yoro uu la hadlo Baleba oo uu ku qanciyo inuu ku biiro United.
Mid kamid ah ayaa ku qoray X: “Leny Yoro, wac Baleba oo u sheeg inuu halkaan imaado!”
Liverpool iyo Arsenal ayaa sidoo kale xiiseynaya Baleba, halka Manchester City ay muujisay xiise bishii Janaayo, hase yeeshee waxay ka cabsatay qiimaha sare ee lagu heli karo xiddiga ( £104 milyan), sida laga soo xigtay wargeyska L’Equipe.
Brighton waxa ay horay ugu iibiyeen Moises Caicedo lacag rikoor ah oo dhan £115 milyan.