Ukraine oo markale wajaheyso weerarada cirka ah ee Ruushka.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ukraine ayaa mar kale la kulantay weerar culus oo dhanka cirka ah oo uu soo qaaday Ruushka – iyadoo caasimadda Kyiv laga soo sheegayo in lagu duqeeyay gantaalaha ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Madaxa maamulka militariga ee magaalada (Timur Tkachenko) ayaa sheegay in in ka badan labaatan goobood uu soo gaaray burbur.

Dhisme ka kooban shan dabaq ayaa dumay ka dib markii si toos ah loo weeraray, waxaana socda gurmad dadka looga soo saarayo burburka hoostiisa.

Dab ayaa sidoo kale ka kacay dhismo shan iyo labaatan dabaq ah, waxaana lagu soo waramayaa in uu dab qabsaday mid ka mid ah xarumaha xanaanada caruurta

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhinteen siddeed iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay waxaa ku jirtay gabar afar iyo toban jir ah.