Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shixnaddii ugu horreeyay ee qamadi ah oo ka timid Ukraine ayaa Isniintii shalay gaartay waddanka Djibouti, iyadoo la gaarsiin doono dalka deriska ah ee Itoobiya, xilli ay gobolka ka jirto abaartii ugu xumayd muddo tobannaan sano ah.
Safaaradda Ukraine ee Itoobiya ayaa xaqiijisay in shixnadda qamadiga Ukraine oo ka kooban 25,000 oo tan ay tahay mid ka duwan dadaalka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo maalgeliyay shixnadaha qamadiga ee Ukraine.
Shixnad kale oo dhan 30,000 tan ah toddobaadka danbe ku wajahan Itoobiya, iyadoo Markab saddexaad oo sida 25 kun oo tan oo sarreen ah uu isna ku wajahan yahay Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaraddu.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bishii hore shaaciyay hindise lagu doonayo in lagu gargaaro dalalka ay sida ba’an u saameysay qalalaasaha cunno ee ka jira dunida.
Ukraine ayaa qorsheyneysa in inka badan 60 markab loo dirayo dalalka Ethiopia, Sudan, South Sudan, Somalia, Congo, Kenya, Yemen iyo dalalka kale.