Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo xiray safaaradooda Qaahira ka dib markii masuuliyiinta Masar ay ka qaadeen xeeyndaabkii dhanka ammaanka ee dhismahaasi.
Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay in dhismaha ugu weyn ee safaaraddu ay ku leedahay degmada Garden City ee caasimadda uu sii xirnaan doono “ilaa laga dhammeeyo qiimeynta saameynta isbeddelladan”, isagoo dhanka kale cadeyay in safaaraddu ay sii wadi doonto howlaheeda shaqo.
Go’aankan ayaa lagu soo waramayaa inuu yimid kadib markii si is daba jooga ah ay Masar u dalbatay in jawaab laga bixiyo sidii UK ay u maareysay mudaaharaad hore oo ka dhacay magaalada London.