UK oo uga digtey Isra’il carqaladeynta qaranimada Falastiin.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Ingiriiska ayaa uga digtey Isra’il in ay qaaddo wax tillaabo ah oo ay uga aargudaneyso Falastiin, ka dib aqoonsigii ay siisay.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda UK Yvette Cooper ayaa sheegtay in ay Isra’il uga digtey goosashada qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee Wabiga Urdan, si ay u jillaafeyso go’aanka lagu dhidbayo dowlanimada Falastiin.

Cooper ayaa hadalkan jeedisey ka hor inta aysan ka qaybgelin shir Isniinta ka furmaya magaalada New York, halkaas oo dalal ka tirsan Yurub oo Faransiisku hor boodayo lagu wado in ay ku aqoonsadaan dowladda Falastiin.

Ra’isul Wasaaraha UK, Prime Minister Sir Keir Starmer ayaa Axaddii London uga ku dhawaaqay aqoonsiga Falastiin, tillaabadaas oo ka dhigan isbeddel weyn oo ku yimid aragtida dowladda UK ee ku aadden xal u helidda colaadda daba-dheeraatay ee u dhexeysa Falastiin iyo Isra’il.

Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa dhaleeceeyey go’aanka dalalka reer Yurub ay ku aqoonsadeen Falastiin, taas oo uu ku tilmaamay “abaalmarin weyn oo la guddoonsiiyey argagixisada”.