UK oo sannad gudihiis yeelanaysa ra’iisal Wasaarihii saddexaad

0
201
Number 10 Downing Street is the headquarters and London residence of the Prime Minister of the United Kingdom.

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dalka Britian ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya ra’iisal wasaarihii saddexaad muddo sannad gudihiis ah.

Xilka ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ku tartami doona wasiirkii hore ee Maaliyadda Rishi Sunak iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose Penny Mordaunt.

Ra’iisul wasaarihii hore Boris Johnson oo markii hore damac ka galay kursiga ayaa xalay ku dhawaaqay inuu tartanka ka haray. Mr. Sunak ayaa loo saadaalinayaa inuu kusoo bixi doono xilka ra’isul wasaaraha.