UK oo qorsheyneysa inay Africa ka furato xarun lagu hubiyo qaxootiga magangalyo-doonka ah.

0
199

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Ingiriiska ayaa qorsheyneysa sharci awood u siinaya waaxda arrimaha gudaha inay dadka soogalootiga ah ee dalbanaya magangalyada u diri karto codsigooda dal kale oo dibadda ah, si loo baaro qaxootinimadooda.

Nidaamkan ayaa hadda kaliya ka jira waddanka Australia.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegta in Xoghayaha Laanta Socdaalka Priti Patel ay kala hadashay dowladda Denmark inay dal Africa ku yaal ka wada furtaan xarun lagu eego codsiyada qaxootiga.