Ugu yaraan 50 qof oo ku dhintay doon ku gubatay dalka Congo

0
18

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Dooni alwaax ka sameysan oo siday ilaa 400 oo rakaab ah ayaa dab qabsaday oo ku dagtay meel u dhow magaalada Mbandaka.

Shilkan ayaa ka dhacay waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo ku taal wabiga Congo, waxaana ku dhintay ugu yaraan 50 qof, boqolaal kalena waa la la’yahay, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan laamaha maxalliga.

Guddoomiyaha Wabiga Congo Mr. Loyoko ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in shilku uu dhacay xilli uu qof cunno ku karsanayay doonta dhexdeeda.

Dhowr qof oo rakaab ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa dhintay kadib markii ay isku tuureen biyaha iyaga oo aan wax dabaal ah aqoon.

Ku dhawaad ​​100 qof oo ku waxyeeloobay ayaa la geeyey hoy ku meel gaar ah oo ku yaal hoolka magaalada Mbandaka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah qaba dhaawacyo halis