Ugu yaraan 37 qof oo ku dhimatay dab ka kacay kaymaha dalka Algeria

0
177
Smoke rises from a forest fire in the mountainous Tizi Ouzou province, east of the Algerian capital, Algiers, August 10, 2021. REUTERS/Abdelaziz Boumzar

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa lagu soo warramayaa in dab ka kacay kaymaha bariga dalka Algeria ay ku nafwaayeen ugu yaraan 37 qof halka 161 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Sidatan waxaa laga soo xigtay waaxda ilaalinta madaniga ah ee dalka ku yaalla waqooyiga Afrika.
Meydadka ayaa intooba badan laga helay gobolka El Tarf oo u dhow sohdinta ay wadaagaan waddamada Algeria iyo Tunisia,
Waxaana halkaasi laga helay meydadka 34 qof.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray qoys ka kooban 5 qof oo meydkooda laga helay gurigooda iyo 8 qof oo saarnaa gadiidka dadweynaha oo maarayay dhul buuraley ah.
Ra’iisul wasaaraha dalka Algeria Aimene Benabderrahmane ayaa xusay in inta badan dadka dhibaatadu soo gaartay ay ahaayeen dalxiisayaal u yimid inay ku raaxaystaan xeebaha wanaagsan iyo muuqaallada quruxda badan ee wadankaasi.