Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 32 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatahaado ka dhashay roobab culus oo ka da’ay Kenya.
Waxaa guriyahooda ka barakacay ilaa 40,265 kale.
Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda howlaha baniaadannimo ee OCHA ayaa laga soo xigtay in ay dhaawacmeen ugu yaraan 15 qof oo kale.
OCHA ayaa bayaan ku sheegtay in gargaar baniaaddannimo la gaarsiiyay 20,590 qof.
Waxay hay’addu intaasi ku dartay in ugu yaraan 960 neef ah ay daadadka ku leedheen halka dhul beereed dhan 24,010 eekar uu burburay.