Ugu yaraan 26 qof oo ku dhintay dalka Peru

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 26 ruux ka dib markii bas dadkan siday uu ku dhacay dooxo ku taalla dhanka Koonfureed ee dalka Peru.

Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in 14 qof oo kale ay dhaawacmeen.
Sarkaal qaabilsan dhanka badqabka oo lagu magacaabo Jhonny Valderrama ayaa sidatan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa uu cusbooneysiiyay xogta khasaaraha ka dhashay shilkaasi oo tilmaamaysay in 21 qof ay dhinteen 20 kalena ay dhaawacmeen.

Baska shilka galay oo ay saarnaayeen in ka badan 40 qof ayaa ka yimid caasimadda dalkaasi ee Lima wuxuuna ku wajahnaa gobolka Ayacucho.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah labo darawaliin ah.

Bishii Shanaad ee May ee sanadkan ayay ahayd markii 17 qof ay ku dhinteen shil uu bas ku galay isla aaggan.

Dalka Peru waxaa ku badan shilalka gaadiidka oo inta badan loo aaneeyo adeegsiga xawaare xad dhaaf ah, tayada waddooyinka oo aan wanaagsanayn iyo xeerarka gaadiidka oo aan si buuxda loo dhaqangelin.

Sanadkii hore ayay ahayd markii la diiwaangeliyay in shilal ka dhacay Peru ay ku geeriyoodeen in ka badan 3,100 qof.