Ugu yaraan 20 ayaa ku dhintay shil bas oo ka dhacay Colombia

0
165

Baarayaasha ayaa sheegay inay eegayaan cilladaha makaanikada ee
suurtagalka ah ee la xariirta nidaamka biriiga gaariga inay sabab u tahay
shilka.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen
kadib markii uu bas ku rogmaday Waddada Pan-American Highway ee
Koonfur-galbeed ee Colombia.
Baska ayaa marayey inta u dhaxaysa magaalada dekedda ah ee Tumaco,
oo ku taal koonaha koonfur-galbeed ee Colombia iyo Cali, oo 320km ka
xigta waqooyi-bari, markii uu shilku dhacay
Albertland Agudelo oo ka tirsan waaxda Narino ee booliska
waddooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri :-
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah gabar saddex jir ah iyo wiil
siddeed jir ah.
Baarayaashu waxay eegayaan suurtagalnimada "guuldarrooyinka
makaanikada ee nidaamka biriiga", Kornayl Oscar Lamprea, oo ah
agaasimaha taraafikada iyo gaadiidka ee aagga, ayaa ku sheegay farriin
uu u diray suxufiyiinta.
Warbixin horudhac ah ayaa sheegaysa in darawalka uu lumiyay
xakameynta ka dib markii uu ka soo baxay qalooca meel ceeryaamo ah.
Sagaal saacadood ayay ku qaadatay shaqaalaha gurmadka booliska iyo
waaxaha dab-damiska in ay gaariga toosiyaan, daad gureeyaan dadka
dhaawaca ah iyo sido kale meydadka.