Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 100 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar ay Israa’iil ka gaysatay goob ay saaladda subax ee saaka ku tukanayeen shacab ku sugnaa dugsiga al-Tabin ee aaga Daraj ee magaalada Qaza.
Ku dhawaad 250 qof ayaa ku sugnaa goobtaasi salaadda subax lagu tukanayay oo ay Israa’iil duqeysay.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badnayeen dad rayid ah oo ay ku jiraan haween, caruur iyo dad da’ ah.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa ku andacoonaya in dugsiyada ay noqdeen xarumaha taliska ee ururka Xamaas oo weerarrada laga soo abaabulo.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha Israa’iil ay weli ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 39,699 qof halka la dhaawacay 91,722 kale.