Uganda oo sheegtay inay faaruq yihiin xarumaha karantiilka ee COVID-19 iyo Ebola

0
143

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda ayaa shaacisay in hadda aynan jirin dad ay soo riteen cudurrada COVID-19 iyo Ebola oo ku jiro goobaha gaarka ee karantiilka.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Uganda Mr Emmanuel Ainebyoona oo u warramay wargeyska Daily Monitor ayaa arrinkan sheegay.Waxaa uu xusay in saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay aan la diiwaangelin xaalad la xiriirta Ebola.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray inay rajeynayaan in 11-ka bisha koowaad ee sanadka soo socdo si rasmi ah loogu dhawaaqo in cudurka Ebola laga dabar gooyay wadankaasi haddii intaasi ka hor aan xaalad cusub la soo tabin.

In kastoo madaxweynaha Uganda ,Yoweri Museveni uu horay tilmaamay inay ka guulaysteen xanuunka haddana tilmaamaha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxaa ka mid ah in loo baahan yahay ugu yaraan 42 cishe oo aan xaalad cusub la diiwaangelin ka hor inta aan lagu dhawaaqin in xanuunka laga gudbay.