Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa loogu baaqay inay kansalaan oo ay gebi ahaanba joojiyaan ciyaaraha toddobaadkan ee tartanka Champions League oo maraya wareegga siddeedda, kaas oo lugta hore la dheelayo caawa iyo habeen dambe.
UEFA ayaa waxa loo sheegay in aanay dhayalsanin khatarta ka dhalan karta digniinta ay soo saartay ISIS ee ah inay weerarro argagixiso ku beegsan doonto garoomada lagu dheelayo.
Real Madrid iyo Manchester City ayaa ku ciyaaraya garoonka Santiago Bernabeu, halka garoonka Emirates Stadium ay isku haleelayaan Arsenal iyo Bayern Munich, waxaanay labadan kulan dhacayaan caawa, waana kulamada fartu ku godan tahay ee UEFA laga dalbanayo inay joojiso.
Arbacada ayaa sidoo kale Atletico Madrid ay qaabbili doontaa Borussia Dortmund, halka Paris Saint-Germain ay garoonkeeda Parc des Princes ku martigelin doonto Barcelona.
Taageereyaasha kubadda cagta ayaa ka dalbaday UEFA in ay ku xisaabtanto waxa dhici karaya haddii ay weerarro ka yimaaddaan ISIS, iyadoo garoomada ay tobannaan kun oo qof soo buuxinayaan, taasina keeni doonto khasaare nafeed oo badan.
Si kastaba ha ahaatee, UEFA ayaa shaacisay in aanay kansalayn ciyaaraha caawa iyo habeen dambe oo ay sidii loogu talo-galay u dhici doonaan, laakiin la samayn doono taxadar amni oo meel walba ah inta ay ciyaaruhu socdaan.