UEFA Oo Ku Qasabtay Man City Qorshe Degdeg Ah – Ciyaartoy Caan Ah oo Laga Yaabo In Kooxda Laga Saaro!

0
147

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Pep Guardiola iyo Manchester City ayaa wajahaya cadaadis weyn ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub, iyadoo lagu qasbay in ay iska iibiyaan shan ciyaaryahan si ay ugu hogaansamaan shuruucda UEFA ee Champions League.

Inkasta oo xilli ciyaareedkii hore ay ku dhammeeysteen iyagoo aan koob ku guuleysan, City ayaa si aad ah uga shaqeysay suuqa kala iibsiga, iyadoo agaasimaha cusub Hugo Viana uu keenay Rayan Cherki, Rayan Aït-Nouri, Tijjani Reijnders, Sverre Nypan iyo goolhayeyaasha James Trafford iyo Marcus Bettinelli.

Kooxda waxaa hore uga tagay Kyle Walker, Kevin De Bruyne iyo Scott Carson, halka ay amaah uga soo noqdeen oo la iibiyay dhalinyarada Yan Couto iyo Maximo Perrone. Si kastaba, City weli waxay haysataa 32 ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda koowaad, taasoo ka badan xadka UEFA u oggolaaneyso. Sida uu sheegay Simon Mullock oo ka tirsan The Mirror, shan ciyaaryahan waa in si degdeg ah looga saaraa kooxda si loo buuxiyo shuruudaha UEFA.

Dhanka Premier League, sharciga ciyaartoyda gudaha iyo kuwa ka yar 21 sano, hal bixitaan oo keliya ayaa looga baahan yahay. Jack Grealish, James McAtee, Kalvin Phillips iyo Stefan Ortega ayaa dhammaantood diyaar u ah inay baxaan haddii dalab sax ah yimaado. Everton ayaa doonaysa inay amaah ku hesho Grealish, kaasoo ah ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee City soo iibsato.

McAtee, oo laga reebay shaxda kulankii saaxiibtinimo ee Palermo, waxaa lagu qiimeeyaa £40 milyan, waxaana xiiseynaya Nottingham Forest iyo Eintracht Frankfurt. Tottenham ayaa sidoo kale baareysa heshiis degdeg ah kaddib dhaawaca James Maddison oo jilibka ay wax kasoo gaareen kaasoo maqnaan doona inta badan xilli ciyaareedka.