UEFA Oo Koobka UEFA Super Cup Ku Bedelaysa Koob Cusub & Wadan Aan Yurub Aheyn Oo Lagu Martiqaaday.

0
188

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa doonaya inay sameeyeen koob cusub oo lagu bedelayo koobka UEFA Super Cup iyadoo koobka cusub lagu martiqaadayo koox ka ciyaarta horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer.

Sida ay qortay jariirada The Guardian, UEFA ayaa dooneysa inay bedesho koobkeeda UEFA Supercup oo ay wada ciyaaraan kooxda ku guuleysata Champions League iyo kooxda ku guuleysata Europa League.

Waxaa lagu bedelayaa koob cusub oo afar kooxood ay ku tartamayaan, iyadoo ujeedada ka danbeysa ay tahay in la kordhiyo dhaqaalaha UEFA ka soo gala tartamada.

Koobka afarta kooxood ka koobnaanaya oo weli aan magac loo bixinin waxaa ku tartamaya kooxaha ku guuleysta Champions League, Europa League, Europa Conference League iyo kooxda ku guuleysata horyaalka Mareykanka ee MLS.

Wuxuu noqon doonaa koob la ciyaarayo waqtiga xagaaga, iyadoo kulamada lagu ciyaari doono meelo ka baxsan qaarada Yurub madaama UEFA ay raadineyso daawadayaal cusub oo xiiseeya tartamadeeda.

Inkastoo fekrada ku saabsan in koox MLS ah lagu soo darro tartanka ay tahay mid dhaqaale lagu raadinayo, hadana ma ahan micno sameynaya in koox aan Yurub aheyn ay ku guuleysato koobka seddexda kooxood ee ku soo guuleystay tartamada kooxaha Yurub.