Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-UEFA ayaa ganaax lacageed ku ridday Barcelona kaddib dhaqankii ay muujiyeen taageerayaasha intii lagu jiray kulankii ay la yeesheen Inter Milan.
Kooxda reer Catalonia ayaa lagu ganaaxay €5,250 kadib markii taageerayaal ay garoonka ku tuureen walxo kala duwan oo ay dad badan dhibsadeen.
Sidoo kale, UEFA ayaa ganaax gaar ah oo dhan €2,500 ku soo rogtay isticmaalka qalabka qarxa ee iftiinka sameeya (pyrotechnics) ee lagu arkay qeybaha taageerayaasha.
Ganaaxyadan ayaa ka dhigaya in wadarta guud ee lacagta la saaray Barcelona ay tahay €7,750, iyadoo UEFA ay weli si adag u dhaqan gelinayso xeerarka ku saabsan anshaxa taageerayaasha tartamada Yurub, si loo ilaaliyo ammaanka iyo kala dambeynta garoomada.