TV laga leeyahay Spain oo baahiyay inuu Hazard doonayo ka tagista Real Madrid iyo halka uu rabo inuu u dhaqaaqo

0
226

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kaddib xilli ciyaareed labaad oo uu ku qaatay Real Madrid, Eden Hazard ayaa haatan daneynaya inuu isaga tago La Liga suuqa xagaagan.

Dhaawacyo iyo qaab ciyaareed liita ayay ku dhammaadeen labadii xilli ciyaareed ee ugu horreysay waqtiga Hazard ee Madrid, waxaana haatan lagu soo warramayaa inuu doonayo ku laabashada kooxda Chelsea marka uu furmo suuqa soo aaddan.

Wariye Edu Aguirre oo la hadlay barnaamijka El Chiringuito ee ka baxa TV-ga Spain ayaa sheegay in Kabtanka xulka qaranka Belgium fahansan yahay inuusan heerkiisa sare ee kubadda cagta ku helin karin Los Blancos, sidaas darteedna uu doonayo inuu isaga hayaamo caasimadda Spain iyadoo Blues ay tahay barta uu maanka ku hayo.

Si kastaba aha ahaatee, Hazard ayaa Real Madrid ugu soo biiray adduun lacageed dhan 100 milyan oo euro oo uu xagaagii 2019 kaga soo tagay Chelsea, waxaana uu dhaliyay kaliya shan gool isagoo u saftay 43 ciyaarood.

Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa ugu dambeyn sheegaya in madaxweynaha kooxda Isbaanishka ah ee Florentino Perez uusan hor istaagi doonin haddii uu Hazard ka dhaqaaqayo Santiago Bernabeu Stadium.