Tuulo ku taalla Yurub oo lagu iibinayo qiimo jaban

0
150

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)Tuulada Salto de Castro ee ku taalla waqooyi galbeed Spain ayaa waxaa lagu iibinayaa lacag dhan 259,000 dollar.
Deegaankan oo ka tirsan gobolka Zamora ee dhaca xuduudda Bortaqiiska, ayaa
waxaa ku yaalla guryaha ay caanka ku yihiin dadka u dhashay Spain.
Waxaa dhismayaasha kamid ah 44 guri, huteel, kaniisad, iskuul, goob lagu
dabaasho iyo weliba xero ciidan.
Hase yeeshee cillada haysata ayaa ah in aanay jirin cid hadda ku nool oo waxaa ay
cidlo ahayd muddo ka badan 30 sano.
Milkiilaha tuuladan ayaa iibsaday horraantii qarnigan, waxaana uu doonayay inuu
ka dhigo goob loo dalxiis tago, balse xasaradii eurozone ayaa ka horjoogsatay
qorshahaas.
Barta lagu soo bandhigay iibka tuulada ayaa waxaa uu milkiilaha oo 80 jir ah ku
sheegay inuu "iibinayo maadaama uu yahay nin magaalada u badan, isla markaana
uu fursad u waayay tuulada".
Dad badan ayaa muujiyay inay rabaan iibsashada tuulada qiimaha jaban awgii.
Wakiilka milkiilaha ayaa sheegay in 300 oo qof ay muujiyeen rabitaan ah inay
iibsadaan tuulada. Dadkaas ayaa u dhashay dalalka Ruushka, Faransiiska, Belgium
iyo UK. Xitaa qof ayaa lacag carbuun ah sii dhigay si aan looga iibsan tuulada,
Salto de Castro ayaa waxaa sanadihii 1950-meeyadii dhishay shirkadda korontada
dhalisa ee Iberduero, si ay u degaan shaqaalaha dhisay biyo-xireen ku yaalla meel
deegaankaas u dhaw.
Shaqaalahaas ayaa tuulada ka guuray kadib markii uu idlaaday mashruucii
dhismaha biyo xireenka, waxaana gebi ahaanba Salto de Castro ay cidlo noqotay
dabayaaqadii 80-meeyadii.
Aaggaas ayaa qeyb ka ah deegaannada loo yaqaan "miyiga Spain” oo ah dhul
aanay ku nooleyn dad badan isla markaana aan laga helin inta badan adeegyada
muhiimka u ah noolasha.
Ma aha markii ugu horreysay ee la beeciyo Salto de Castro. Waxaa mar lagu
doonayay lacag dhan 7 milyan oo dollar, balse ma jirin cid iibsatay.

Qiimaha hadda lagu doonayo ayaa u dhigma inta lagu iibiyo guryaha halka qol ah
ee ku yaalla xaafadaha dadka ladan ee magaalooyinka Madrid iyo Barcelona.
Qofka iibsan doona tuuladan ayaa u baahan lacag ku filan si uu uga dhigo mid loo
dalxiis taga oo uu ka macaashi karo.
Barta suuqgeynta ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 2 milyan oo dollar loo
baahan yahay si tuulada looga dhigo mid shaqeyneysa oo soo saari karta faa’iido
wanaagsan.