Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha xulka England, Thomas Tuchel, ayaa shaaciyay sababta kooxdiisu u guuldarreysatay kulankii saaxiibtinimo ee caalamiga ahaa ee ay la ciyaareen Senegal fiidnimadii Talaadada.
Tuchel ayaa daawaday iyadoo Senegal ay kasoo laabatay gool looga naxsaday kana adkaatay England oo ku ciyaaraysay garoonka City Ground.
Harry Kane ayaa hogaanka siiyay England daqiiqaddii 7aad ee ciyaarta, balse Ismaila Sarr, Habib Diarra, iyo Cheikh Sabaly ayaa kala dhaliyay seddexda gool ee ay guusha ku qaadatay Senegal.
Si kastaba, Tuchel wuxuu aaminsan yahay in sababta ay u guuldarreysteen ay tahay in kooxdiisu ay si fudud u siisay Senegal labada gool ee ugu horreeyay.
Sida uu sheegay, England waxay haysatay fursado waaweyn oo ay barbaro ku heli lahayd balse kama faa’iideysan.
“Dabcan waa natiijo niyad jab leh,” ayuu Tuchel u sheegay TV Sport.
“Labadii gool ee ugu horreysay si fudud ayaan u qaadanay, waa in aan si fiican u difaacannaa.
“Jawaabta ciyaartoyda kadib markaan hoos u dhignay waxay noqotay mid wanaagsan. Waxaan noqonay kuwo firfircoon, xor u ciyaaraya, isku xiran oo weerar badan sameynaya. Fursado waaweyn oo aan ku barbareyn karnay waan helnay.”