Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay waqti cusub oo gaaban oo uu u qabtay Ruushka si uu ugu hoggaansamo xabbad-joojinta dagaalka Ukraine, isagoo sheegay in Ruushka la siiyay “toban ama laba iyo toban maalmood.
Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inaysan jirin sabab dib loogu sii dhigo arrintaas maaddaama wax horumar ah oo nabadeed aan la gaadhin. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay go’aankaas “mid aad muhiim u ah”.
Laba toddobaad kahor, Trump wuxuu sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu haysto 50 maalmood si uu u joojiyo dagaalka, haddii kalena Ruushka la saari doono cunaqabateyn adag.
Bilooyinkii ugu dambeeyay, Ruushka ayaa kordhiyey weerarrada uu ku hayo Ukraine, isagoo duqeymo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo badan ku garaacaya magaalooyinka, wuxuuna sii waday weerarkiisa xagaaga ee bariga dalka.