Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu “si degdeg ah u jarayo wada-hadallada ganacsi ee uu la leeyahay Canada” iyadoo waddanku u muuqdo inuu billaabayo dhaqan gelinta siyaasadda canshuuraha ee lagu beegsanayo shirkadaha waaweyn ee teknoolojiyadda.
Tallaabadan u dambaysay oo uu kaga dhawaaqay baraha bulshada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wadamada dariska ah ay ku hawlanaayeen sidii ay ugu heshiin lahaayeen heshiis ganacsi bartamaha bisha July.
Labada dal ayaa midba midka kale ku soo rogay canshuuraha badeecadaha ka dib markii Trump uu bilaabay dagaal ganacsi horaantii sanadkan wuxuuna ku hanjabay inuu ku dari doono Canada isagoo isticmaalaya “xoog dhaqaale”.
Jimcihii, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu soo afjarayo wadahadalka sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray “canshuurta weyn” ee lagu soo rogay shirkadaha teknolojiyadda, waxaana uu intaa ku daray in uu ku dhawaaqi doono canshuuro cusub oo la saarayo badeecadaha ka soo gudbaya xadka toddobaadka soo socda.