Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulan ujeedkiisu ahaa qaboojinta xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Koonfur Afrika ayaa beddelkeeda waxaa ka dhashay dooda isdifaacda ee madaxweyne Donald Trump isaga oo ku andacoonaya in beeraleyda caddaanka ah ee dalkaasi la laayo oo “la dhibaateynayo”.
Booqashada Ramaphosa ee Aqalka Cad oo u jeedku ahaa hagaajinta xiriirka ay la leeyihiin Washington ayaa sidoo kale timi todobaad ka dib markii uu Maraykanku magangelyo siiyey ku dhawaad 60 Afrikaanaska, iyada oo Koonfur Afrika ay dhibsatay arintaasi.
Taa baddalkeeda, Trump ayaa kaga yaabsaday Ramaphosa intii lagu jiray shir jaraa’id oo toos ah oo si weyn loo cambaareeyay sheegashada “xasuuq cad” ee Koonfur Afrika.
Waxa uu daaray muuqaal muujinaya mudaharaad ay ku muujinayaan kumanaan isgoosyo jid gooya ah – isaga oo ku andacoonaya in ay ahaayeen goobo lagu aasay beeralayda caddaanka ah ee la dilay.
Kahor kulanka Arbacada ee Aqalka Cad, hogaamiyaha Koonfur Afrika ayaa adkeeyay in hagaajinta xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya Mareykanka ay tahay ahmiyadiisa. Wax dhoofinta Koonfur Afrika ee Maraykanka ayaa wajahday 30% canshuurta Trump ee soo dejinta oo dhammaanaysa bisha Luulyo.
Ramaphosa waxa uu rajaynayay in uu soo jiito Trump intii uu kulanka socday,isaga oo ay la socdeen laba ciyaartooy oo Koonfur Afrikaan ah oo caan ah oo Golf ah,waxana uu hadiyad ahaan u siiyay buug aad u weyn oo ay ku jiraan ciyaaraha Golf-ka ee dalkiisa.
Kulankan ayaa yimid maalmo kadib markii 59 qof oo cadaan ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ay gaareen dalka Mareykanka, halkaasi oo ay ku heleen sharci qaxootinimo. Ramaphosa waxa uu sheegay in wakhtigaas ay ahaayeen “fulayaal”.
Bishii Febraayo, madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay laalista gargaarka Koonfur Afrika, isaga oo u soo bandhigay Afrikaanaska oo badankoodu ka soo jeeda asal ahaan dadka la deegaameeyay ee Holandiiska iyo Faransiiska inuu dib u dajin uga sameeyo Maraykanka iyaga oo qaxooti ah. Sidoo kale safiirkii Koonfur Afrika ee Washington Ebrahim Rasool ayaa la cayriyay bishii Maarso ka dib markii uu ka hor uu cambaareeyay Trump