Trump oo qorsheynaya in hal malyan oo Falastiiniyiin ah loo raro Liibiya.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in 1 milyan oo Falastiiniyiinta reer Qasa ah in loo raro dalka Liibiya, halkaa oo dib u dejin loogu sameynayo.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay Liibiya ku beddelanayso in loo fasaxo dhaqaalaha Liibiya ee horey loo xayiray.

Saraakiil Mareykan ah ayaa booqday Tripoli iyo Benghazi, iyadoo ay kala maamullan dawladda la aqoonsanyahay iyo Jen. Haftar, taa oo suragal ka dhigaysa in labada dhinac lagala hadlay qorshahan, sida ay werisay NBC News.

Trump , ayaa shalay sheegay inta uusan ka bixin Abu Dhabi, in bisha soo socota ay u noqon doonto dadka Qasa, mid ay ka baxaan dhibaatada, isagoo aan bixin faah faahin dheeraad ah.

Falastiiniyiinta Qasa ayaa ah kuwa inta badan aan dooneyn inay ka baxaan dhulkooda, lamana garanayo sida maamulka Trump u awooddi doonaan kala bar dadka Qasa in loogu raro Liibiya.