Trump oo magaca ka badalaya wasaaraddiisa difaaca.

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu Jimcaha saxiixayo amar fulineed oo lagu beddelayo magaca Waaxda Difaaca Mareykanka.

Waaxdan ayaa loo badali doonaa waaxda Waaxda Dagaalka Mareykanka.

Isbeddelkan rasmiga ah wuxuu u baahan doonaa oggolaanshaha aqalka Congress-ka ee Mareykanka, laakiin amar fulineed ayaa u oggolaanaya in Waaxdan Dagaalka loo isticmaalo cinwaan labaad inta laga sugayo oggolaanshaha Congress-ka.

Wareysi uu bixiyay, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth wuxuu sheegay inay ka tarjumeyso isbeddel ka dhacaya Pentagon-ka oo loo wareegayo hab-dhaqan dagaal oo dheeri ah.

Wuxuu kaloo sheegay in Mareykanku uu ku guuleystay Dagaalkii Koowaad iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyadoo xiligaas waaxda loogu yeerayay Waaxda Dagaalka, ee aan ahayn Waaxda Difaaca.