Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay heshiis ganacsi oo uu la galay Japan taasoo Mareykanka uu si weyn hoos ugu dhigi doono canshuurtii 25% ahayd ee horey ugu soo rogay badeecadaha Japan.
Canshuurtaas ayaa hadda noqon doontaa 15% halkii ay ka ahaan lahayd 25%.
Tallaabadan ayaa sare u qaaday saamiyada suuqa Japan, gaar ahaan shirkadaha baabuurta.