Trump oo ka hadlay inuu mar saddexaad soo laabanayo iyo in kale.

0
6

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa beeniyay inuu mar saddexaad doonayo inuu isu soo sharaxo xilka madaxtinimo ee Mareykanka, tillaabadan oo ay dadka khubarada ah isku raaceen inay tahay mamnuuc, marka la eegpo dastuurka Maraykanka.

“Waxaan noqon doonaa madaxweyne laba mar xilka qabtay oo sideed sano dalka xukumayay, waxayna ila tahay in taasi ay muhiim tahay”, ayuu yiri Trump oo la hadlay warbaahinta NBC, wareysigaas oo la baahiyay Axadi.

Trump oo 78 sano jir ah, ayaa hore u sheegay in aysan “ kaftan” ka ahayn” inuu doonayo inuu mar saddexaad, afaraad ama shanaad isu soo sharaxo xilka madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay in hadalladiisa loogu gol lahaa in lagu qaldo “warbaahinta been abuurka ah”.

Shirkaddiisa, The Trump Orgarnization, ayaa iibinayay “koofiyadaha Trump ee 2028”, taas oo sii xoojineyso wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan in laga yaabo inuu doonayo inuu sii joogo xafiiska marka uu xafiiska baneeyo bisha Janaayo ee 2029-ka.

Wareysiga Jimcihii looga duubay hoyga uu ka degan yahay Florida, Trump wuxuu ku sheegay inuu “codsiyo” badan ka helay dadka, kuwaas oo weydiisanaya inuusii joogo xafiiska.

Waxaa uu intaa ku daray in dad badan ay iibinayaan koofiyadaha Trump ee “2028-ka.