Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.
Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.
Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto.
Mas’uuliyiin sare oo Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee 2022 uu wiiqay Jamhuuriga.
Sagaal Senator oo Jamhuuri ah oo ka titasan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa taageeray Trump, hase yeeshee kuwo kale ayaa ka digay in dacwadaha uu wajahayo ay wiiqi karaan rajada ay Jamhuuriga ka qabaan inay Aqalka Wakiilada kala wareegaan Dimoqraadiga sanadka dambe.
Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya.