Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Aqalka Cad ayaa xalay ku dhawaaqay in madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarkii millatari ee ay Dowladda Mareykanka siineysay Ukraine.
Hakinta gargaarka hubka Mareykanke ee Ukraine ayaa imaneysa maalmo yar kaddib, marki ay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine hadallo kul-kulul isku weydaarsadeen xafiiska madaxtooyada ee Aqalka Cad, xilli ay mas’uuliyiinta hor joogeen kaamirooyinka telefishannada caalamka.
Madaxweyne Trump ayaa riixay in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka, halka madaxweyne Volodymyr Zelenskyy uu muujiyay cabsi ah in xalka Trump ee joojinta dagaalka uu guul siinayo Ruushka.
Maamulka Madaxweyne Trump ayaa hakiyay gargaarka hubka Ukraine si dib u eegis loogu sameeyo kaalmada Mareykanka, si loo hubiyo in talaabadan ay gacan ka gayesato joojinta dagaalka u dhaxeeya dowladaha Ukraine iyo Ruushka