Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii muddo bil ah dib u dhigay, canshuur kordhin gaareyso 25% oo uu dul dhigay baabuurta ay Mexico iyo Canada u soo dhoofiyaan Mareykanka.
Hakintaan ayaa ku soo aadday xilli laga cabsi qabo in dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya dalalka deriska ah uu waxyeelo u gaysto saddexda shirkaddood ee ugu waayn shirkadaha soo saara baabuurta Mareykanka ee loo yaqaanno “Big 3”.
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa wariyaasha u sheegtay, in ka hor inta uusan ku dhawaaqin go’aanka hakinta, uu madaxweyne Trump la hadlay saraakiisha ugu sareysa saddaxdaasi shirkadood oo kala ah Ford, General Motors iyo Stellantis.
Waxay sheegtay in Trump uu ku booriyay shirkadaha baabuurta sameeya, inay wax soo saarkooda gudaha Mexico iyo Canada u soo raraan Mareykanka, si ay uga fogaadaan gabi ahaan canshuuraha maamulka Trump uu ku soo rogay dalalkaasi.
Inkasta oo hadda la hakiyay tacriifta gaadiidka, haddana waxaa wali taagan canshuur kordhinta madaxweynaha Mareykanka uu saaray qaar kale oo ka mid ah badeecadaha Mareykanka uga yimaada Mexico iyo Canada.