Trump oo dalalka Nato ku xiray shuruud si uu cunaqabatayn ugu soo rogo Ruushka

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu cunaqabateyn adag ku soo rogo Ruushka, balse waa haddii dalalka Nato ay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo ay ka mid yihiin joojinta iibsashada saliidda Ruushka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay inuu “diyaar u yahay inuu soo rogo cunaqabatayn weyn oo ka dhan ah Ruushka” marka ay waddamada NATO “isku raacaan, oo ay bilaabaan, inay sameeyaan isla arrintaas.”

Trump ayaa marar badan hanjabaado culus u jeediyay Moscow, laakiin ilaa hadda wax tallaabo ah ma qaadin, xilli Kremlin-ku uu iska indhatiray waqtiyadii kama dambaysta ahaa iyo hanjabaadihiisa cunaqabataynta.

Wuxuu ku tilmaamay iibsiga shidaalka Ruushka mid “yaab leh” wuxuuna sidoo kale soo jeediyay in NATO ay saarto canshuur dhan 50 ilaa 100% Shiinaha, isagoo ku andacoonaya in tani ay daciifin doonto “xakamaynta xooggan” ee Ruushka.

Hanjabaddii ugu dambeysay ee Trump ee cunaqabatayn adag oo ka dhan ah Ruushka waxay ahayd horraantii bisha Sebtembar, kadib markii Kremlin-ku qaaday weerarkii ugu culusaa ee cirka ah ee Ukraine tan iyo bilowgii dagaalka.

Markii suxufiyiin weydiiyeen haddii uu diyaar u yahay inuu u gudbo “wejiga labaad” ee ciqaabta Ruushka, Trump wuxuu ku jawaabay, “Haa, waan ahay,” – balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.