Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhowaad dhamaan shaqaalaha federaalka u soo bandhigay dalab wanaagsan, kaas oo ah in la kaabayo, gaar ahaan kuwa doonaya inaysan shaqooyinka ku soo laaban, taas oo ah tallaabo weyn oo loogu talagalay in lagu dhimo shaqaalaha dawladda Maraykanka.
Farriin email ah oo Talaadadii loo diray malaayiin shaqaale ah, ayaa maamulkiisu wuxuu u sheegay shaqaalaha inay tahay inay go’aan ka gaari karaan arrintaan ilaa 6-da bisha Febraayo, inay rabaan inay qayb ka noqdaan “barnaamijka is-casilaadda”.
Maamulka Trump waxaa uu rajeynayaa in 10% shaqaalaha ay aqbali doonaan dalabka, ama 200,000 oo kamid ah in ka badan labada milyan ee shaqaalaha heer federal ay aqbali doonaan dalabkan.
Saraakiisha sar sare ee Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabadaas ay horseedi doonto in dowladda ay keydiso lacag gaareysa illaa $100bn (£80bn).
Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaanan loo soo bandhigin dalabkaas, oo ay ku jiraan shaqaalaha boostada, milatariga, saraakiisha waaxda socdaalka, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha amniga qaranka.