Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shacabka Suuriya ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, si ay ugu dabaaldegaan go’aanka Donald Trump uu uga qaaday cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka oo muddo saarneed.
Trump ayaa hadalkan kaga dhawaaqay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga, halkaasi oo uu ku qaabilay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Waxaa uu sheegay in Mareykanka uu qaadi doono dhamaan cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Suuriya, taas oo ku raagtay dalkaas.
Trump ayaa hadalkiisa intaas ku daray in la gaaray wakhtigii uu dalkaas hore u sii qaadi lahaa dhabbaha horumarka.
Cunaqabateynta Mareykanka ayaa waxay saarnayd dalka Suuriya in ka badan 10 sano, waxaana looga gol lahaa in cadaadis dhaqaale lagu saaro madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Bashaar al-Asad.
Ku dhawaaqista Trump ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo aan fileyn in maamulka Trump uu tallaabo noocaan ah qaadi karo oo uu si fudud cunaqabateynta uga qaadi karo, waxayna tani ka dhigantahay isdedel weyn oo soo foodsaaray dalka Suuriya.
Madaxweyne Trump ayaa la filayaa inuu manta si kooban ula kulmo hoggaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, kaas oo ku sugan dalka Sucuudiga.