Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay canshuur cusub oo ah 25% oo la saarayo la soo degista baabuurta iyo qalabka gaadiidka ee la geeyo dalka Maraykanka. Tallaabadan ayaa loogu yeedhay mid dabka ku sii hurin karta dagaalka ganacsiga caalamiga ah.
Trump ayaa sheegay in canshuurtani ay hirgeli doonto 2-da Abriil, iyada oo uu go’aanku dhaqangal noqonayo maalinta xigta. Madaxweynaha ayaa ku andacoonaya in tallaabadani ay dalka Maraykanka u horseedi doonto “kobac dhaqaale oo weyn” . Waxaana uu ballan qaaday in ay kobcin doonto shaqooyinka iyo maalgashiga gudaha Maraykanka.
Ha se yeeshee, falanqeeyayaasha ayaa ku doodaya in go’aankani laga yaabo in uu horseedo joojinta ku meel gaadhka ah ee wax soo saarka baabuurta ee Maraykanka, qiimaha gawaadhida oo sare u kaci kara iyo in uu carqaladeeyo xidhiidhka Maraykanka iyo xulafooyinkiisa.