Trump iyo Musk oo iskugu hanjabay joojinta heshiisyadii ay galeen.

0
147

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo bilyaneerka teknolojiyadda ee Elon Musk ayaa gaartay heerkii ugu xumaa, waxaana soo afjarmay is-xulufeysigii u dhaxeeyay hoggaamiyaha ugu awoodda badan caalamka iyo ninka ugu taajirsan dunida.

In ka badan hal usbuuc, Musk waxa uu qashinka ku darayay sharciyada uu saxiixay Trump gaar ahaan hindisa-sharciyeeda- kharashaadka .

“Habka ugu fudud ee aan ku badbaadin karno lacagta miisaaniyadeena, balaayiin iyo balaayiinka doolar dhan, waa in aan joojino kabka iyo qandaraasyada dawladeed ee Elon,” Trump ayaa qoraalkaas soo dhigay bartiisa bulshada.

Musk waxa uu dhankiisa ku baaqay in Trump xilka laga xayuubiyo, waxa uu ku dhiirraday inuu ku hanjabo dhimidda maal-gelinta shirkadihiisa, joojinta dayax-gacmeedkiisa Dragon, kaas oo Maraykanku uu ku tiirsan yahay islamarkana cirbixiyeennada Maraykanka ah iyo sahayda u qaada Saldhigga Hawada Sare.