Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday saaxiibkiisii hore Elon Musk, maalin kadib markii maalqabeenka dhanka tignoolajiyada uu ku dhawaaqay inuu xisbi cusub ka dhisayo dalka Mareykanka.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Mr Musk uu ka baxay “khadkii tareenka” oo uu noqday “TAreen Burburay”.
Waxa uu sheegay in nidaamka siyaasadeed ee Maraykanka aan loo samayn in qolo saddexaad ay guulaysato.
Mr Musk ayaa sheegay in xisbigiisa “America” uu dib u siin doono codbixiyayaasha xoriyadooda. Trump iyo Musk ayaa isku dhacay bilihii ugu dambeeyay tan iyo markii ninka ugu taajirsan adduunka uu ka caawiyay in Mr Trump in mar kale la doorto.