Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Daafaca midig ee kooxda Liverpool iyo xulka England, Trent Alexander-Arnold, ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Real Madrid, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya ilo dhow oo ay kamid tahay ‘COPE’.
Alexander-Arnold, oo 25 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu ogolaaday heshiis uu ugu wareegayo kooxda reer Spain marka uu dhammaado qandaraaskiisa Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Real Madrid ay durba heshiis hordhac ah la gaartay ciyaaryahanka, iyadoo qorshaha rasmi ahaana lagu dhawaaqi doono marka uu furmo suuqa xagaaga.
Trent ayaa ku soo barbaaray Liverpool isagoo kamid ahaa da’yarta kooxda, wuxuuna noqday mid kamid ah daafacyada midig ee ugu fiican kubadda cagta caalamka. Wuxuu kooxda ka caawiyay hanashada Champions League, Premier League, FA Cup iyo koobab kale, isagoo caan ku ah laadadiisa halista ah iyo xirfaddiisa kubad-dhiska.
Kooxda Real Madrid ayaa u aragta Alexander-Arnold inuu noqon karo beddelka mustaqbalka ee Dani Carvajal, oo hadda ku jira da’dii ciyaaryahan uu hoos uga dhacayo heerkiisa ugu sareeya.
Taageerayaasha Liverpool ayaa si weyn uga niyad jabay wararka la xiriira bixitaankiisa, iyadoo qaar ka mid ah ay ku baaqeen in la fariisiyo inta ka dhiman xilli ciyaareedka haddii uu si dhab ah u ogolaaday inuu baxo.
Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo dhameeyay maanta.