Trent Alexander-Arnold oo Saamayn Xun Ku Yeelan Kara Mustaqbalka Vinícius Jr Marka Uu Ku Biiro Real Madrid.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ku biirista Trent Alexander-Arnold ee Real Madrid uu yahay heshiis la dhameeyay, sida laga soo xigtay Sky Sports.

Xiddiga 26 jirka ah ee daafaca midig ka ciyaara ayaa la filayaa inuu beeca xorta ah ugu biiro kooxda reer Spain xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ka mid noqon doona xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda Real Madrid.

Trent ayaa lagu soo waramayaa in uu la mushahar noqon doono xiddigaha Vinícius Jr., Kylian Mbappé, iyo Jude Bellingham kuwaas oo qaata ugu dhawaad 16 milyan sanadkii.

Tiradan ayaa u dhiganta xadka sare ee miisaanka mushaharka Real Madrid, oo uu dejiyay madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

Ku biirista Alexander-Arnold ee Real Madrid ayaa ka dhigaysa in uu xiddigu qaato 16 milyan oo ka badan lacagtii 12-ka milyan ee uu ka qaadan jiray Liverpool.

Saxiixa Alexander-Arnold wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa wadahadalada qandaraaska ee socda ee Vinícius Jr.

Wakiilada weeraryahanka reer Brazil ayaa lagu soo waramayaa inay raadinayaan mushahar sanadle ah oo dhan 27 milyan euro – oo ah tiro aad uga badan mushaharka Mbappé iyo Bellingham, taas oo adkeynaysa in Real Madrid ay bixiso.

Vinícius Jr. wuxuu higsanayaa mushaar ka tarjumaya xaaladiisa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu sareysa adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, imaatinka Alexander-Arnold ayaa adkeynaya wada xaajoodyadan.