Toni Kroos oo uu mid gaar ah u yahay kulanka Sabtida ka dhacaya garoonka El Sadar

0
206

Toni Kroos ayaa qarka u saaran inuu safto kulankiisii 300-aad ee Kooxda Real Madrid kulanka ay Sabtida ka horjeedaan Osasuna.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Jarmal ayaa kooxda ka dhisan caasimadda Spain waxa uu ku qaatay lix xilli ciyaareed iyo bar, waxaana intii lagu guda jiray waqtigaas uu ku lug yeeshay 100 gool oo ay dhalisay kooxda Los Blancos, isagoo caawiye ka ahaa 70 gool isla markaana dhaliyey 30 gool oo kale.

Waxa uu muujiyey Kroos sida uu muhiim ugu ahaa indhaha macallin kasta oo leylinayay kooxda Los Blancos sanadihii ugu dambeeyay, haddii ay ahaan lahayd Rafa Benitez, Carlo Ancelotti, Santiago Solari ama Zinedine Zidane.

Kaliya kal ciyaareedkan waxa uu seegay labo kulan, waxaana marka dib loo jaleeco waayihiisii Real Madrid uu had iyo jeer ku guuleystey inuu waqti badan dheelo, isagoo ciyaaray 55 kulan sanadkiisii ugu horreeyay.

Taasi waa iyada oo aan la tixgelin sidoo kale kulammada uu u ciyaaro Jarmalka, kuwaasoo uu haatan u saftay in ka badan 100 kulan.

Marka la eego guulaha uu gaaray, waxa jira xiddigo aad u tiro yar oo la jaan qaadi kara waxa uu qabtay, isagoo ku guuleystay afar koob oo UEFA Champions League ah – saddex Real Madrid ah iyo hal koob oo uu la qaatay Bayern Munich – Koobkii Adduunka ee 2014, afar Koobka Kooxaha Adduunka iyo labo horyaalka LaLiga Santander ah.