Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dab xooggan oo ka kacay xabsi weyn oo ku yaalla dalka Iran waxaa ku dhintay afar maxbuus ah a dhintay halka 61 ay ku dhaawacmeen, sida ay warrantay wakaaladda wararka ee Iran.
Ilo-wareedyo ku sugan gudaha xabsigan caanka ah ku ah in lagu xiro maxaabiista siyaasadda ayaa warbaahinta u sheegay in tirade dhimashada ay intaa ka badan karto.
Muuqaallo lagu baahiyay Internet-ka ayaa muujinaya qiiq iyo holac xabsiga kasoo baxaya, waxaana la maqlayay qarax iyo rasaas.
Iran waxaa maalmihii lasoo dhaafay harreeyay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda.
Dibadbaxyada ayaa markii ugu horreysay ka bilowday dalkaas bishii lasoo dhaafay kadib markii haweeney lagu magacaabo Mahsa Amini ay ku geeriyootay gacanta booliska, saraakiisha waxay sheegeen in wadno xanuun ay u dhimatay gabadha halka qoyskeeda ay ku andacooden inay garaaceen booliska qaabilsan arrimaha anshaxa ee Iran.