Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda caafimaadka ee Iran ayaa ku dhawaaqday in iska horimaadka Israel oo bilowday 13-kii June uu sababay dhimashada 606 qof, kuwaas oo 95 boqolkiiba ku aasmay burburka hoostiisa. Kaliya 5 boqolkiiba dhaawacyada la geeyay isbitaallada ayaa dhintay.
Wasiirka caafimaadka, daawaynta, iyo waxbarashada caafimaadka ee Iran Mohammad Reza Zafarghandi ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la arkay “Weerarro iyo weerarada ugu darnaa tan iyo bilowgii dagaalkan oo ay geysteen xoogagga iyo dembiilayaasha Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah dalka, waxaana ilaa saaka ku dhaawacmay 1,342.”
Zafarqandi waxa uu intaas ku daray in saddex Cisbitaal la daadgureeyay labadii toddobaad ee la soo dhaafay si loo ilaaliyo bukaannada, isagoo carrabka ku adkeeyay in la hirgeliyay qorshe deg-deg ah oo saddex heer ah oo lagu daweynayo dadka dhaawaca ah, iyadoo laga faa’iideysanayo waayo-aragnimadii dagaalladii 1980-kii iyo masiibadii COVID-19, waxaana ku mahadsan dadaalka shaqaalaha caafimaadka