Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ku dhawaad laba maalmood ayaa laga joogaa dhulgariirkii ku dhuftay meel ku dhow magaalada labaad ee ugu weyn Myanmar Mandalay, kaas oo sababay burbur baahsan iyo in ka badan 1,600 oo dhimasho ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay jirto dawo la’aan ba’an oo ka dhigaysa wax ka qabashada musiibada dabiiciga ah mid aad u adag.
Kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa sii wada in ay baarayaan burburka dhismayaasha dumay. Magaalada Mandalay Sabtidii, qof dumar ah ayaa nolol laga soo saaray burburka hoostiisa ka dib markii ay ku xayirnayd muddo 30 saacadood ah.
Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Myanmar, Michael Dunford, ayaa warbaahinta u sheegay in hay’adda bini’aadantigu ay filayso in maanta gelinka dambe ay cunto qaybintii ugu horreysay ka sameyso caasimadda dalkaasi ee Naypyidaw.
“Tani waa masiibo, masiibo baaxad weyn, oo ka jirta waddan markii horeba la halgamayay baahiyo bini’aadminimo oo kala duwan,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya dhulgariirkii iyo wixii ka dambeeyay – isagoo xusay kakanaanta arrimaha adkeynaya in la bixiyo gargaar wax ku ool ah.