Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ku dhawaad 24 saacadood ayaa laga joogaa markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay Myanmar, iyadoo saameyntiisa laga dareemayo ilaa dalka ay jaarka yihiin ee Thailand.
Dowladda Myanmar ayaa hadda ku dhawaaqday in ay sare u kacday tirada dhimashada, hadda waxa ay maraysaa 1,002, iyadoo 2,376 ay ku dhaawacmeen.
Inta badan dhimashada ayaa xuddun u ah magaalada labaad ee ugu weyn ee Mandalay, taasoo ku dhow xudunta dhulgariirka.
Hawlgallada samatabixinta ayaa socda, iyadoo mid ka mid ah kooxaha samatabbixinta ee Mandalay uu sheegay inay “dadka ku qodayeen gacmahooda”.