Tirada dadka u dalxiis tagaya xeebta Liido oo kordhaya

0
296

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo laga ambaqaadayo olole nadaafadeed oo maalmahaan ka socday xeebta Liido,ayaa waxaa sii kordhaya tirada dadka ee doonaya in waqtiga fasaxa maalinka Jimcaha ay ku qaataan Magaalada Muqdisho,gaar ahaan xeebta Liido.

Boqolaal ruux oo ka kala socda qeybaha bulshada ayaa maanta isugu tagay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,si ay ugu qaataan waqtiga nasashada maalinta Jimcaha ee dhamaadka todobaadka.

Dhinaca kale olole nadaafadeed oo ay horkacayaan kooxo dhallinyaro ah oo isxilqaamay ayaa ka socda xeebta Liido,iyadoo ujeedku yahay in la soo celiyo bilicda xeebta iyo in dadweynuhu ay helaan goobo nadiif ah oo ay ku qaataan waqtiga nasashada maalinta fasaxa ah ee Jimcaha.

Ololahaan ayaa dhiirigaliyay in todobaadyadii u dambeeyay ay soo bataan dadka u dalxiis tagaya Xeebta Liido ee daneynaya in ay u damaashaad tagaan haslkaasi.