Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa sare u sii kacday tirada shacabka ee lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa halkaasi ku geeriyooday 33,729 qof oo Falastiiniyiin ah.
Sidoo kale waxaa la dhaawacay 76,371ruux oo dheeraad ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sidatan xaqiijisay.
Waxay u badan tahay in dhimashadu ay intan ka sarreysa iyadoo la rumeysan yahay in qiyaastii 8,000 oo meydad ah ay ku xannibmeen burburka guriya la duqeeyay.
Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la dilay 43 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 62 kale.