Tirada dadka ku dhintay dabka Los Angeles oo korodhay

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa korodhay tirada dadka ku dhintay dabka ka kacay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, taas oo gaartay ilaa 24 30 qof.

Waaxda saadaasha hawada gobolka California ayaa ka digaya, in dabeylaha xooggan ee sii huriyay dabka ka kacay Los Angeles, la filayo in todobaadkan mar kale soo laba kacleeyaan.

Kooxaha dab-demiska ayaa weli wada dedaallo kasta oo lagu xakameynayo dabkaas. Dhanka kale, waxaa la soo bandhigay tallaabooyin lagu caawinayo dhibanayaasha dabka, kuwaas oo looga ilaalinayo dadka dhaca geysta

Dhowr qof ayaa loo xirxiray bililiqo ka dhacay meelaha ay dadku ka qaxeen, waxaana dadkaas kamid ah nin ku labisan dharka kooxha dab-damiska.

Dabka kaymaha ka kaca oo baahsan ayaa u muuqda mid halakeynaya qeybo ka mid ah magaalada Los Angeles, kaas oo geystay burbur laxaad leh.

Waxaa uu noqonayaa dabkii ugu xumaa ee taariikhda magaaladaas, kaas oo baabi’iyey in ka badan 31,000 acres (12,500 hektar) oo dhul ah isla markaana sababay in boqolaal kun oo qof ay qaxaan. Ugu yaraan 10 qof ayaa naftooda ku waayey illaa hadda, halka boqolaal dhisme ay ku burbureen.