Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tirada dhimashada dabka ka holcaya Los Angeles ayaa kor u dhaaftay 10 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen – laba jibaar tirada lagu dhawaaqay saacado ka hor.
Mas‘uuliyiinta caafimaadka ee Los Angeles ayaa sheegay in haraadiga dadkan weli la raadinayo.
“Aqoonsigu dadka wuxuu qaadan karaa dhowr toddobaad maadaama Waaxda Baarista Caafimaadku aanay awoodin inay ka jawaabto dhammaan xaaladaha dhimashada sababo la xiriira jawiga dabka iyo welwelka oo sarreeya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay mas’uuliyiinta magaalada